Gobolka California ayaa Jimcihii sheegay inay noqon doonan dowladd goboleedki ugu horreysay ee Mareykan ah ……

Gobolka California ayaa Jimcihii sheegay inay noqon doonan dowladd goboleedki ugu horreysay ee Mareykan ah oo ku biirta shabakadda caalamiga ah ee ka jawaabista faafitaanka cudurka ka dib go’aankii maamulka Trump ee ahaa inuu Washington ka saaro xubinimada Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)
Shabakaddan, oo ka kooban in ka badan 360 hay’adood oo farsamo, ayaa ka jawaabeysa dhacdooyinka caafimaadka dadweynaha iyadoo shaqaale iyo agab loo dirayo waddamada ay dhibaatadu saameysey.
Maalintii ugu horreysay ee muddo xileedkiisii labaad, Madaxweyne Trump wuxuu saxiixay amar fulineed oo uu Mareykanka kaga saarayo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).
Amarkan ayaa la filayay, maadaama uu isku dayay muddadii uu xilka hayay ee ugu horreysay, bishii Luulyo 2020. Si kastaba ha ahaatee, maadaama ka bixitaanka WHO ay u baahan tahay ogeysiis hal sano ah, go’aanka ma dhaqan gelin waxaana dib u celiyay Madaxweyne Biden markii uu xilka qabtay 2021.
