Mid kamid ah Ilaalada Dani ee saaka laga celiayay hawada Muqdisho.

Sawirka askarigan oo kamida ilaalada Madaxwayne Deni ayaa aad ugu faafay baraha bulshada. Sababta ayaa keenaysa boorsada uu dhabarka ku sido ee aan lagu arkin askarta kale ee ilaalada ah. Haddaba, maxaa ku jira boorsada? Kadib baaritaan aan ku sameeyay waxaa ii soo baxday in boorsada uu ku jiro walax loogu talagalay kahortagga weerarrada elegtarooniga ah ee qarxa ama wax basaasa. Si kale, boorsada waxaa ku jira qalabka Anti-Drone Jammer ee loogu talagalay in lagu curyaamiyo diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn (Drones).

Si guud, Anti-Drone Jammer-ku, waxa uu u kala baxaa saddex nooc oo waaweyn.

Anti-drone Guns Jammer: Noocani waxa u eg yahay qoriga casriga ah ee darandoorriga u dhaca, gaar ahaan midka loo yaqaanno Bullpup Rifle. Askarigu wuxuu u tilmaamayaa dhinaca drone-ta, si uu u curyaamiyo.

Anti-drone Vehicle-mounted Jammer: Waa nooca ugu awoodda badan uguna baaxadda weyn qalabkan. Kuwaas oo lagu rakibo saqafyada madaxtooyada, garoomada diyaaradaha, ama gaadiidka dagaalka, si ay u difaacaan uga difaacaan, oo shucaac ugu furaan drones-ta lagu soo weeraro.

Anti-drone Backpack Jammers: Waa nooca uu dhabarka ku wato askarigan, model-keedu MN-06. Waxaa loogu talagalay cutub dhan oo lugaynaya in ay difaacdo weerarrada drone-ta.

Tiknoolajiyaddan, waxay billowday inay horumarto wixii ka dambeeyay 2015, balse noocyada casriga ah ee la qaadan karo, waxay aad u soo kordheen intii u dhexaysay 2021 ilaa 2023. Asal ahaan, baahida keentay ayaa ahayd in markii drones-ka suuqa laga iibsaday loo beddelay hub halis badan, iyada oo loo adeegsaday shaqo aan ahayn shaqadii loo sameeyay drones-ta oo ahayd inay wax duubto. Kooxaha hubaysan iyo argaggixisada ayaa billaabay inay drone-ta ku xiraan qaraxyo ama ay u isticmaalaan inay ku ogaadaan goobaha ay ciidanku ku dhuumaalaysanayaan. Si taa looga hortago, waxaa qasab noqotay in la helo qalab hawada xira oo shucaac ku fura.

Shirkadaha soo saara Anti-drone Jammers-ku, badi waxay ku yaallaan shiinaha, waxaana kamida NY Security, Skyfend, iyo Hizone. Qiimaha ayaa u dhexeeya kun illaa labaatan kun oo doollar. Noocan uu askariga wato qiimaheedu waa $1,400.

Si fudud haddii loo dhigo, Anti-drone Backpack Jammer waxay u shaqaysaa sida raadiye aad u qaylo badan. Marka ay Drone-tu maqasho qayladaas (mowjadaha qalabka), ma maqli karto amarrada uga imaanaya qofka hagaya, kadib markay kala jartay hagaha iyo drone-ta ayay hawada ku wareertaa. Si guud, saddex qaab ayay u weerartaa.

Goynta xiriirka: Mawjadaha ka soo baxa qalabka ayaa kala dhexgala mowjadda ay ku wada xidhiidhaan drone-ta iyo qofkii hagayay. Marka xiriirku go’o, drone-tu waxay caadiyan iska istaagtaa hawada ama waxay isku daydaa inay ku laabato halkii ay ka kacday.

Marinhabaabinta jihada: Qalabkani wuxuu u sheegaa drone-ta macluumaad khaldan oo dhanka goobta ah. Tani waxay keenaysaa in drone-tu khalkhasho.

Soodajinta Drone-ta: Qaar kamid ah aaladahan waxay ku qasbaan drone-ta in islamarkiiba dhulka ku soo degto halka ay taagan tahay, taas oo u sahlaysa ciidanka inay gacanta ku dhigaan iyadoo nabad qabta.

Si kastaba, in askari wata qalabkani lagu soo daro ilaalada Madaxweyne Dani waa farriin amnidarro oo aad u sarraysa oo dunida loo dirayo. Taas oo ah in Dani oo Xalane jooga lagu soo weerari karo drone-ta wax qarxisa.

Waa qoray Aw Dacar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *