Xiisad Ka Dhalatay Diyaarado ciidan siday oo laga celiyay hawada Muqdisho iyo Shirka wadahadalada oo mugdi galay.

Wararka naga soo gaaraya Garowe iyo Kismayo ayaa sheegaya in xiisad siyaasadeed oo cusub ay kadhex dilaacday  Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland u soo jeediyeen.

War ka soo baxay garabyada mucaaradka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay hawada ka celisay diyaarado qorshuhu ahaa inay ciidamo iyo agabka amniga ee madaxweynayaasha Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ka soo qaadaan magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo.

Ujeeddada Safarka: Ciidamadan ayaa la qorsheeyay inay hordhac u noqdaan amniga madaxda ee ka qaybgalka shirka wada hadalka ah.

Maamulada ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid caqabad ku ah kalsoonida lagu qabi karo dowladda iyo habsami u socodka geedi-socodka nabadda.

Eedeymahan ayaa ku soo beegmaya xilli aad loo filayay in maanta oo Axad ah ay magaalada Muqdisho martigaliso gogol wada hadal oo weyn. Shirkan ayaa la doonayay in xal looga gaaro khilaafaadka mudooyinkii u dambeeyay ka dhex aloosnaa DFS iyo madaxda mucaaradka.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama soo bixin wax jawaab ah ama tacliiq rasmi ah oo ku aadan eedeymaha loo soo jeediyay ee ku saabsan xayiraadda diyaaradaha. Sidoo kale, ma jirto war rasmi ah oo sheegaya in shirkii maanta dib loo dhigay iyo in kale, inkastoo jawiga guud uu u muuqdo mid ay hareeyeen daruuro siyaasadeed.

Dib u dhaca ku yimid ciidammada ilaalada madaxda ayaa shaki weyn galinaya in madaxda Puntland iyo Jubaland ay soo gaari karaan caasimadda saacadaha soo socda, taas oo dhaawac ku ah mustaqbalka wada hadallada laga sugayay Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *