Headlines

RAโ€™IISUL WASAARE XAMSA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SAFIIRKA SHIINAHA

aโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, waxa ayna ka wada-hadleen dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha. Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay…

Read More

DIYAARAD DUULIMAAD OO ISRAIL LAGA LEEYAHAY OO U XAYIRAN OGOLAANSHAHA MARIDDA HAWADA SOOMAALIYA.

Diyaaradda duulimaadka Arkia ee laga leeyahay Israil ayaa sheegtay in ay u xayirantahay fasax maritaanka hawada Soomaaliya, hakadka ku yimid ogolaanshaha maridda hwada Soomaaliya ayaa imaanayi kadib markii Israaโ€™iil aqoonsatay Somaliland, taasoo aad uga careysiisay dhinaca Soomaaliya. Arkia waxay sheegtay in qayb ka mid ah nidaamka caadiga ah ee duulista caalamiga ah, shirkaduhu ay xilliyada…

Read More

GABAGABADA WAREEGGA KOOWAAD EE UEFA CHAMPIONS LEAGUE.

Gabagabada wareegga koowaad ee hannaanka cusub ee UEFA Champions League waxa uu xaqiijiyay in isbeddelka lagu sameeyay tartanka uu keenay loolan adag iyo natiijooyin lama filaan ah. Sideedda Tooska u Gudubtay (The Elite 8) Kooxahan waxa ay muujiyeen joogto iyo awood weyn, iyagoo iska ilaaliyay dhibka ciyaaraha is-reeb-reebka dheeriga ah (Play-offs). Kooxaha Ingiriiska: Arsenal, Liverpool,…

Read More

Qodobada cusub ee Guddiyada Dastuurku Soojeediyeen in lagu soo daro Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka JFS

W/Q: Mohamed-karama Ahmed Hassan, Arday ka barta kuliyadda Sharciga (Qaanuunka)  Jaamacadda Islaamiga ee Yugandha ( Islamic University In Uganda – IUIU) ee dalka Yugandha (Uganda). Guddiga Maxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyo Guddiga Dib-u-eegista iyo La-Socodka Hirgelinta Dastuurka, ayaa soojeediyay wax-ka-beddel cusub ee Dastuurka kaasi oo taabanaya cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Kumeelgaarka…

Read More

KHILAAFKA BAARLAMAANKA IYO MUSTAQBALKA HANAANKA KALAGUURKA.

Fadhigii saaka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyay weji cusub oo ka mid ah caqabadaha hortaagan dhameystirka dastuurka. Diidmada ay xildhibaannadu kala hor yimaadeen ajendaha shirguddoonka ma ahan oo kaliya khilaaf farsamo, balse waa mid ka turjumaya kala fogaanshaha aragtiyaha siyaasadeed ee dalka ragaadiyay bilihii la soo dhaafay. Qodobada xudunta u ah xiisaddan: Dastuurka iyo…

Read More

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.

Muqdisho, Isniin, 26 Jannaayo 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhismahan cusub oo noqon doona mid casri ah ayaa beddeli doona xaruntii hore ee la dhisay sanadkii 1980, waxaana ujeeddadiisu tahay…

Read More

Koonfurta Suudaan ayaa ku amartay shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo dadka rayidka ah inay ka baxaan qaybo ka mid ah Gobolka Jonglei

Ciidamada Koonfurta Suudaan ayaa amar ku bixiyay in dhammaan dadka rayidka ah iyo shaqaalaha ka socda howlgalka Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaha samafalka kale ay ka baxaan saddex degmo oo ku yaal Gobolka Jonglei ka hor inta aysan halkaas ka fulin howlgal ka dhan ah ciidamada mucaaradka. Isku dhavyfan ayey Qaramada Midoobay sheegtay inay ka…

Read More

UGANDA OO DALKEEDA KA CAYRISAY SADDEX SUXUFI OO U DHASHAY FARANSIISKA

Dawladda Uganda ayaa difaacday cayrinta saddex suxufi oo u dhashay Faransiiska, kuwaas oo u yimid inay tabiyaan doorashadii guud ee ka socotay Uganda, iyadoo ku adkaysatay in tallaabadani aysan ku xad-gudbin xorriyadda saxaafadda. Toddobaadkii hore, suxufi Bastien Renouil oo ah weriyaha Bariga Afrika ee France 24, iyo laba kale oo ka tirsan Radio France Internationale…

Read More

ISBITAALADA MAGAALADA KHARTUUM OO DIB U HOWL BILAABAY.

Isbitaal si cusub loo dayactiray oo ku yaalla magaalada Khartoum ayaa adeegyadiisa caafimaad dib u bilaabay, kooxda caafimaadka ayaa wejiyadooda laga dheehan karaa farxad, ku dhawaad saddex sano ka dib markii la burburiyay lana dhacay maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka Suudaan, xaruntu waxay soo dhawaysay bukaankeedii ugu horreeyay. Isbitaalka Waxbarashada ee Baxri oo ku yaalla…

Read More

KHABY LAME OO XARAASHAY INTA BADAN SAAMIYADA SHIRKADDIISA.

Xiddigaha ugu followerska badan aaladda TikTok, Khaby Lame, ayaa qayb weyn oo ka mid ah saamiga shirkaddiisa Step Distinctive Limited ku iibiyay heshiis ballaaran oo lagu qiimeeyay $900โ€“$975 milyan. Heshiiskan ayaa lala galay shirkadda Rich Sparkle Holdings oo fadhigeedu yahay Hong Kong. Hal-abuurahan 25-jirka ah ee kasoo jeedo dalka Senegal islamarkaana heysto dhalashada Talyaaniga (kaas…

Read More