Qodobada cusub ee Guddiyada Dastuurku Soojeediyeen in lagu soo daro Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka JFS
W/Q: Mohamed-karama Ahmed Hassan, Arday ka barta kuliyadda Sharciga (Qaanuunka) Jaamacadda Islaamiga ee Yugandha ( Islamic University In Uganda – IUIU) ee dalka Yugandha (Uganda). Guddiga Maxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyo Guddiga Dib-u-eegista iyo La-Socodka Hirgelinta Dastuurka, ayaa soojeediyay wax-ka-beddel cusub ee Dastuurka kaasi oo taabanaya cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Kumeelgaarka…
