RAYSAL WASAARE KU-XIGEENKA XFS OO KULAN MIRO-DHAL AH LA YEESHAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa isla gorfeeyay xaaladaha guud ee dalka, dowladnimada iyo dardargelinta hawlaha hor-tebinta u leh caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray hirgelinta himilada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan xoojinta dowlad-dhiska, Nabadgelyada, Midnimada iyo Daadejinta adeegyo bulsho oo tayo leh oo gaara dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Labada mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer federaal iyo heer gobol si loo xaqiijiyo yoolalka qaran, loona xoojiyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

#bilaadtv

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *