{"id":1204,"date":"2026-02-09T18:54:05","date_gmt":"2026-02-09T18:54:05","guid":{"rendered":"https:\/\/bilaadtv.net\/?p=1204"},"modified":"2026-02-09T18:54:05","modified_gmt":"2026-02-09T18:54:05","slug":"maxaa-laga-filan-karaa-wada-hadalada-xukuumadda-iyo-mucaaradka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/2026\/02\/09\/maxaa-laga-filan-karaa-wada-hadalada-xukuumadda-iyo-mucaaradka\/","title":{"rendered":"MAXAA LAGA FILAN KARAA WADA HADALADA XUKUUMADDA IYO MUCAARADKA?"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Muqdisho waxaa dhawaan la filayaa in ay murtigaliso wadahadal siyaasadeed oo u dhaxeyo Xukuumadda Soomaaliya iyo Iskuraranka madasha mucaaradka, qorshuhu waa in halkaasi uu kasoo baxo isfaham ku aaddan halka looga dhaqaaqayo ismariwaaga taagan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Mudda xileedkii hey\u2019adaha federaalka waxa ka harsan wax kayar afar bilood mana jiro qorshe jadwaleysan oo ku aaddan doorashooyinka iyo xiliga kalaguurka ah, dowladdu waxa ay ku adkeysaneysaa in la aadayo doorasho qof iyo cod ah, mucaaradka oo ka dheregsan in aysan suurtgal aheyn qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah muddada gaaban ee ka dhiman&nbsp; mudda xileedka Madaxweynha iyo Baarlamaanka, sabab dhanka farsamada, maqnaanshaha midnimo iyo isfaham siyaasadeed, waqtiga oo aad u yar, waxa ay ka digayaan wax muddo kororsi ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Hadaba si loo saadaaliyo natiijada ka imaan karto wadahadaladaasi waxaa muhiim ah in jawaab loo helo isweydiimaha ah:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">yaa is hayo?<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Maxaa la isku hayaa?<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xaggee lakala joogaa dhanka fursadaha iyo caqabadaha?<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa gogosha wadahadalada isugu imaanayo laba dhinac oo kala ah:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) oo uu matalayo madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Xasan Sh Maxamuud kuna taagan mandateka natiijadii doorashada madaxtinimada&nbsp; May 15, 2022.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madasha Mustaqbalka oo ka kooban hoggaamiyayaasha laba maamul goboleed (PL &amp; JL) iyo mucaaradka&nbsp; Xamar.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhanka kale waa jiro sadax qeybood oo ayagana wali aysan caddeyn kaalintooda wadahadlada la filayo waana Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aanan la ogeyn inuu qeyb ka noqon doono&nbsp; mucaaradka kasoo qeybgalayo wadahadalada, Madaxda maamul goboleedyada aan xubnaha ka aheyn Madasha Mustaqbalka, sidoo kale waxaa jiro&nbsp; Xubno mucaaradka kamid ahaa oo xiriir dhaw laleh madaxtooyada dalka kuwaas iyagana ma caddo kaalinta ay ku yeelan doonaan gogosha wada hadalada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">XFS marka laga yimaado matalaadda sharciyeed ee qaranka waxa ay dhanka waxqabadka la soo shirtageysaa:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">1. Ammaanka Caasimadda oo waxbadan laga qabtay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">2. Ka hortagga iyo fashilinta damacii Itoobiya ee kala qeybinta iyo qaadashada qeyb kamid ah dhulka Soomaaliyeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">3. Ka hortagidda in faragalintii Isra\u2019il noqoto mid horseedda in dowlada kale ku daydaan aqoonsiga Isra\u2019el.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">4. Qabashada doorashooyin deegaan oo nabdoon oo ka qabsoomay Caasimaddda tusaalena u noqon karo dalka intiisa kale.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">5. Dhisidda Maamul goboleedka Waqooyi beri oo noqday Maamulkii 6aad ee xubin ka noqda nidaamka federaalka ee dalka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">6. Waxka badalka dastuurka oo horseedi doono in caasimadda noqoto maamulkii 7aad ee xubin ka noqdo nidaamka federaalka ee dalka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Mucaaradka ayaa XFS ku eedeynayo qodobada soosocdo:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">1. La dagaalankii kooxaha nabad-diidka oo natiijadii la filaayay ka hoos maray.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">2. wax kabadalka qodobada dastuurka oo dalka u horseeday kalaqeybsanaan siyaasadeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">3. Ku fashilinka dajinta qorshaha xiliga kala guurka ah oo ku asteysan mudda xileedka hey\u2019adaha dastuuriga ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">4. Musuqmaasuq baahsan oo horseeday kalsooni darro muwaadiniinta iyo deeq bixiyayaashaba ku ridday kalsooni darro ay ku qabaan hey\u2019adaha dowladda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">5. Madaxda sare ee dowladda oo gabbaad u noqday madaxda maamul goboleedyada uu ka dhamaaday mudda xileedkii sharciga ahaa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">6. Siyaasadda Arimaha dibadda oo aanan laheyn sumad ama tilmaan lagu aqoonsado, islamarkaana kal saariweysay cidda Soomaaliya u saaxiibka ah iyo cidda cadowga ku ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Mucaardka oo aanan laheyn sharciyaddii mucaarad qaran lagu yaqaanay sida Xisbiyo diiwaangashan oo leh golayaal awood leh waxa kaliya ee loo tirin karo dhanka wanaagga waa in ay ku guuleysteen in ay mideeyaan mowqifkooda siyaasadeed ee ku aaddan XFS.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhaliilaha Xukuumadda ee ku aaddan mucaaradka waxaa ugu muhiimsan:<\/p>\n\n\n\n<ol class=\"wp-block-list\">\n<li>\u00a0in doorashadii deegaanka Xamar u qaadhaceen sababo ay ku sheegee musuqmaasuq iyo daahfurnaan la\u2019aan xilli ay sharci darrada iyo ku shubashada doorashada maamulad qaar ay bogaadiyeen.<\/li>\n\n\n\n<li>in aysan aragti cad ka yeelan weerarka qaranimada kaga imaanayo dibadda iyo dowladaha shisheeye ee hoosaasinaa oo ay xiriir sokeye la leeyihiin.<\/li>\n\n\n\n<li>Ugu danbeyn is hortaagidda tilaabooyinka ay dowladda qaaday sida doorashooyinka deegaanka iyo wax kabadalka dastuurka, iyagoo aanan soo bandhigin aragti ka duwan oo ay gadi karaan, xilli laga dheregsanyaha in madaxweynayaal hore iyo musharaxiinta badankood yihiin Xildhibaano, baarlamaankana ku jiraan xildhibaano ka amarqaato madaxdii maamulada ee soo saartay laakiin aanan isku qabin kalsooni ay ku wajahaan doodaha baarlamaanka taa badalkeedana Firinbi, feer iyo fowdo lasoo shirtagaan.<\/li>\n<\/ol>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Hadaba maxaa laga filan karaa?<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">XFS ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud waxa ay soo lumisay fursado dahabi ah oo ka dhigi lahaa dhammaan go\u2019aanada masiiriga ah kuwa ku jiro gacanteeda, hase yeeshee taasi ma haleelin, walise talada gacanteeda kama wada bixin oo iyadaa dalka u dowlad ah ilaa laga helo isbadal siyaasadeed ku yimaado sifo sharci, hadaba waxaa&nbsp; la gudboon in ay Usha dhexda ka qabato wadahadaladana ku hoggaamiso natiijo horseedi karto is-afrgarad siyaasadeed oo lagu gaaro qabsoomidda doorasho degenaan iyo sharciyad ku qabsoonto.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Hoggaanka XFS haduunan jirin damac mudda kororsi kuma qasbanaan doonaan in Xukuumad wadaag ah ladhiso ama meesha laga saaro hoggaanka xukuumadda, waayo mucaaradka maanta ma joogo meel uu ku gorgortami karo awood qeybsi iyo isbadal siyaasadeed, taasi badalkeeda xukuumadda waa in ay debecsanaan muujiso marka ay timaaddo guddiga doorashada iyo heerka kalsooni ee ay mucaaradka iyo maamulada ku qabi karaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Huwanta mucaaradka waa ay ogyihiin in cadaadisk beesha caalamka uu yahay waxa kaliya ee XFS ku qasbayo in ay ayaga la fariisato, hadaba waxaa la gudboon in aysan sare u qaadin damacooda wax ka ridashada XFS wax dhaafsiisan hannaan doorasho oo hishiis lagu yahay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Maxaa fashili karo wadahadalada?<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Haddii XFS ku adkeysto meel marinta isbadalada dastuurka sida doorasho qof iyo cod ah, Guddiga doorasho ee hadda jiro oo aan waxba laga badalin, mudda kororsi aanu ka horeyn Is-afgarad siyaasadeed waxa ay soo dadajin doontaa in wada hadaladu ku soo xirmaan natiija la\u2019aan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sidoo kale haddii mucaaradku uu ballaariyo damaciisa siyaasadeed oo uu raadiyo wax ka badan Hanaan doorasho oo loo dhanyahay sida awood qeybsi siyaasadeed ama dalbado badalidda RW Xamse iyo Xukuumaddiisa waxa ay soo gaabin kartaa sii socoshada wada hadalo miradhal ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Bilaad TV.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho waxaa dhawaan la filayaa in ay murtigaliso wadahadal siyaasadeed oo u dhaxeyo Xukuumadda Soomaaliya iyo Iskuraranka madasha mucaaradka, qorshuhu waa in halkaasi uu kasoo baxo isfaham ku aaddan halka looga dhaqaaqayo ismariwaaga taagan. Mudda xileedkii hey\u2019adaha federaalka waxa ka harsan wax kayar afar bilood mana jiro qorshe jadwaleysan oo ku aaddan doorashooyinka iyo xiliga&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[39,27],"tags":[],"class_list":["post-1204","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-articles","category-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1204","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1204"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1204\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1206,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1204\/revisions\/1206"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1204"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1204"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1204"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}