{"id":1139,"date":"2026-01-28T13:15:40","date_gmt":"2026-01-28T13:15:40","guid":{"rendered":"https:\/\/bilaadtv.net\/?p=1139"},"modified":"2026-02-01T11:53:03","modified_gmt":"2026-02-01T11:53:03","slug":"qodobada-cusub-ee-guddiyada-dastuurku-soojeediyeen-in-lagu-soo-daro-cutubyada-5aad-ilaa-9aad-ee-dastuurka-jfs","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/2026\/01\/28\/qodobada-cusub-ee-guddiyada-dastuurku-soojeediyeen-in-lagu-soo-daro-cutubyada-5aad-ilaa-9aad-ee-dastuurka-jfs\/","title":{"rendered":"Qodobada cusub ee Guddiyada Dastuurku Soojeediyeen in lagu soo daro Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka JFS"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">W\/Q: Mohamed-karama Ahmed Hassan,<\/p>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-columns is-layout-flex wp-container-core-columns-is-layout-8f761849 wp-block-columns-is-layout-flex\">\n<div class=\"wp-block-column is-layout-flow wp-block-column-is-layout-flow\" style=\"flex-basis:100%\">\n<div class=\"wp-block-cover\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"526\" height=\"637\" class=\"wp-block-cover__image-background wp-image-1140\" alt=\"\" src=\"https:\/\/bilaadtv.net\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/623363752_122267355410131139_8787656769567487851_n.jpg\" data-object-fit=\"cover\" srcset=\"https:\/\/bilaadtv.net\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/623363752_122267355410131139_8787656769567487851_n.jpg 526w, https:\/\/bilaadtv.net\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/623363752_122267355410131139_8787656769567487851_n-248x300.jpg 248w\" sizes=\"auto, (max-width: 526px) 100vw, 526px\" \/><span aria-hidden=\"true\" class=\"wp-block-cover__background has-background-dim\"><\/span><div class=\"wp-block-cover__inner-container is-layout-flow wp-block-cover-is-layout-flow\">\n<p class=\"has-text-align-center has-large-font-size wp-block-paragraph\"><\/p>\n<\/div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Arday ka barta kuliyadda Sharciga (Qaanuunka)&nbsp; Jaamacadda Islaamiga ee Yugandha ( Islamic University In Uganda &#8211; IUIU) ee dalka Yugandha (Uganda).<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Guddiga Maxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyo Guddiga Dib-u-eegista iyo La-Socodka Hirgelinta Dastuurka, ayaa soojeediyay wax-ka-beddel cusub ee Dastuurka kaasi oo taabanaya cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la ansiixiyay 2012.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Haddaba, halkani hoose waxa aynu ku soo koobaynayaa qodobada ugu muhiimsan, uguna xasaasisan ee ay soojeediyeen Guddiyadu:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">1) <strong>Qodobo ka hadlaayo Nidaamka Xukunka ee Dalka<\/strong>: Qodobka 96aad iyo Qodobka 111aad ee soojeedintani, waxa ay nidaamka xukunka dalka ku celinayaan nidaamkii Baarlamaaniga ahaa. Tani oo ku timid hishiiskii ay dhammaadkii bishii August, 2025 wada gaareen Xukuumadda Federaalka iyo Garabkii Siyaasiyiinta ee ka soo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayna ka midka ahaayeen Guddoomiye hore\/ Madexweyne hore Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra&#8217;iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma&#8217;arke, iyo Wasiir Daahir Maxamuud Geelle.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">2) <strong>Muddaxileedka Hay&#8217;adaha Dawladda<\/strong>: Guddiyada ayaa soojeediyay mudda-xileedka Hay&#8217;adaha Dawladda in loo daayo sida uu dhigaayay Qodobkii 60aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah, 2012, muddo-xileedkaa oo ah Afar sano. Tani ayaa ku timid isla hishiiskii ay wada gaareen Xukuumadda Federaalka ah iyo Garabkii Siyaasiyiinta ee ka soo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">3) <strong>Qodobo soo kordhinayo Dastuurada Dawlad-Goboleedyadu inay raacaan oo ka hor imaan Dastuurka Dawladda Federaalka ah:<\/strong> Qodobada 67aad iyo 68aad ee Soojeedinta, waxa ay dhigayaan qodob walbaa oo Dastuur Dawlad-Goboleed dhigo, kaas oo ka hor imaanayo Dastuurka Dawladda Federaalka-na inuu noqonayo waxba kama jiraan (null and void). Tani oo ka dhigan, Dastuurada Dawlad-Goboleedyadu inay raacaan mabaadi&#8217;da guud ee Dastuurka Federaalka, islamarkaana Dastuurka Federaalku yahay sharciga ugu sarreeya ee dalka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">4) <strong>Qodob siinayo Dawladda Federaalka ah inay faragelin karto Dawlad-Goboleedyada<\/strong>: Qodobada 76aad ilaa 78aad waxa ay Dawladda Federaalka awood u siinayaan inay faragelin karto Dawlad-Goboleed, kolka ay Dawlad-Goboleedkaa la soo darsaan xaalado wiiqayo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dalka, amniga qaran, ama xaalado uu maarayn kari waayay Dawlad-Goboleedku. Qodobka 79aad ee Soojeedinta waxa uu Golaha Aqalka Sare siinayaa awood korjoogtayn muddadaa Dawladda Federaalku ku soo rogayso faragelinta Dawlad-Goboleedkaa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">5) <strong>Qodob iyo jaantuusyo astaynta awoodaha u kala qaybiyay Dawladda Federaalka ah, Dawlad-Goboleedyada, iyo Dawladaha Hoose<\/strong>. Qodobada 70aad ilaa 75aad ee Soojeedinta, iyo Jaantuusyada ku xusan Jadwalka 2aad ee Soojeedinta Wax-ka-beddelka Dastuurka, waxa ay&nbsp; Dawladda Federaalka ah siinayaan 44 awood sharci, halka Dawlad-Goboleedka ay siinayaan 29 awoodo sharci, Dawladaha Hoose-na 32 awoodo dharci, islamarkaana Saddexdaa heerba, ay wadaagayaan 20 awoodood. Isla Qodobadaan ayaa sheegayo awoodaha haraadiga ah inay ka hishiin doonaan Dawladda Federaalka iyo Dawlad-Goboleedyada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Awoodaha Dawladda Federaalka la siinayaa waxaa ka mid ah: (b) Ilaalinta iyo difaaca Dastuurka, Midnimada, iyo Wadajirka dalka. (t) Aftida Dastuurka Qaranka. (j) Arrimaha Dibedda. (x) Arrimaha Dhalashada iyo Socdaalka. (kh) Arrimaha Doorashooyinka iyo Xisbiyada &#8211; Hal Guddi Doorasho oo qabta Doorashooyinka saddexda heer. (d) Difaaca Qaranka iyo Ciidamada Qaranka.(r ) Siyaasadda Lacagta. (s) Dekedaha iyo Garoomada Caalamiga. (sh) Boostada, Koodhka Soomaaliya (+252), Koodhka Internet-ka (.SO), iwm.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Malaha Qodobka aan feker ka qabi lahaa waa nidaamka Doorashooyinka iyo Xisbiyada ee gacanta loo wada geliyay hal Guddi oo heer Federaal ah, taasi oo dhaawac ku ah nidaamka Federaalka. Waxa ay ahayd Dawlad-Goboleed walbaa inuu lahaadaa nidaamkiisa goonida ah ee Doorasho, waxaa se xusid mudan awooddani Dawladda Federaalka la siiyay inay ku timid Hishiisyadii Siyaasiga ahaa ee ay wada gaareen Xukuumadda Federaalka iyo Dawlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, iyo Jubbaland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">6) <strong>Qodob soo kordhinayo Maxkamadda Kore (High Court) ee Dawlad-Goboleedyada iyo Caasimadda<\/strong>: Qodobka 133aad ee Soojeedinta, waxa ay soojeedinaysaa dhisidda Maxkamad cusub oo lagu magacdarayo Maxkamadda Kore (High Court), islamarkaana isla qodobkaan waxa uu baabi&#8217;inayaa jiritaanka Maxkamadaha Sare (Supreme Courts) ee Dawlad-Goboleedyada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Walow soo kordhinta Maxkamadda Kore (High Court) ay aad ugu muhiim tahay nidaamka garsoor ee dalka, haddana ma ahayn in la baabi&#8217;iyo Maxkamadaha Sare (Supreme Courts) ee Dawlad-Goboleedyada. Maxkamadahaa Sare oo ku dhisan Hishiiskii Garsoorka ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad-Goboleedyadu ku gaareen magaalada Jawhar ee caasimadda Dawlad-Goboleedka Hirshabeelle, 2018-dii.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa la samayn karay baan qabaa in magaca Maxkamadda Gobolka lagu beddelo Maxkamadda Kore, islamarkaana awoodaha sharci (ikhtisaadka) loo badiyo Maxkamadda Kore, islamarkaana dacwadaha racfaan ee Maxkamadda Kore ee Dawlad-Goboleedka in loo qaato Maxkamadda Racfaanka Dawlad-Goboleedka, islamarkaana dacwadaha racfaan ee Dawlad-Goboleed-ka loo sii qaato Maxkamadda Sare ee Dawlad-Goboleedka. Sidaasi oo kale, waxaa la samayn karaa baan qabaa Maxkamadda Degmada in lagu soo reebo Derejada Koowaad, oo Maxkamadda Gobolka (haddana noqonayso Maxkamadda Kore) ay ka derejo sarreyso Maxkamadda Degmada, kana awoodo sharciyo (ikhtisaas) badan tahay Maxkamadda Degmada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhan kale, halka Guddigu ka yiraahdeen Maxkamadda Kore ee Caasimadda, waxaa qumman baan qabaa in laga dhigo Maxkamadda Kore ee Dawladda Federaalka ah, waayo Caasimaddu haddii ay noqoto magaalo\/gobol Caasimad ah, waxa ay noqonaysaa dhul Dawladda Federaalku leedahay, kana taliso. Taasi oo ka dhigan Maxkamadaha Caaismaddu inay yihiin Maxkamadaha Dawladda Federaalka, halka Hay&#8217;adaha Sharcifulinta (Law Enforcement Agencies) ee ka shaqeeya Caasimadduna yihiin, kuwa Dawladda Federaalka ah, sida Booliiska Qaranka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">7) <strong>Qodob Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha ku soo daraayo Dastuurka<\/strong>: Xafiiskani oo ay ahayd inuu ahaado Xafiis ku xusan Dastuurka ayaanan ku xusanayn Dastuurka KMG ah ee 2012. Balse Soojeedintani cusub ee Guddiyada Dastuurka, gaar ahaan Qodobka 144aad ayaa ka dhigan Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud inuu noqonayo Xafiis dastuuri oo ku xusan Dastuurka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Halka meel ee aan qabaa inay fiicnaan lahayd in la saxaa oo la beddelaa, waa qodobka sheegayo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud inuu xubin ka yahay oo ka tirsan yahay Golaha Sare ee Garsoorka. Qodobkani waa khalad lid ku ah madaxbannaanida Garsoorka. Waayo, si cad, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud waxa uu metelaa Dawladda, Dawladduna waxa ay qayb ka tahay dacwadaha ay Maxkamaduhu ka garnaqaan. Haddaba majirto sabab xubin qayb ka ah kiis dacwadeed, waa dawladda e (oo Xafiiska Xeer-Ilaaliyuhu metelaayo e), loo siiyo awood ay saamayn ugu yeelan karto go&#8217;aamada Maxkamadaha iyo Garsoorayaasha waddanku gaaraan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">8) <strong>Qodob soo kordhinayo Hawlgabnimada Garsoorayaasha<\/strong>: Qodobka 142aad ee Soojeedinta, waxa uu soojeedinayaa Garsoorayaasha waddanku inay ku waajib tahay inay da&#8217;da 70-ka ku noqdaan hawlgab.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">9) <strong>Qodob soo kordhinayo Shuruudo cusub oo looga baahan yahay mas&#8217;uulka noqonayo Madexweyne ama midka ka mid noqonayo Golaha Wasiirrada Dawlada Federaalka<\/strong>: Qodobka 121aad ee Soojeedinta, waxa uu soojeedinayaa mas&#8217;uul walbaa oo qabaa xaas\/xaaji ajnabi ah ama haystaa\/haysata dhalasho waddan kale inuusan\/inaysan ka mid noqon karin Golaha Wasiirrada, loona dooran karin Madexweyne.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">10) <strong>Qodob soo kordhinayo Xasaanadda Madexweyne<\/strong>: Qodobka 113aad ee Soojeedinta waxa uu soojeedinayaa Madexweyne xil haayaa inaanan lagu soo oogi karin dacwad ciqaab nooc kastaa oo ay tahay, kolka laga reebo gabboodfalo xuquuqda aadanaha ah. Sidaasi oo kale, Madexweyne xil ka degay inaanan lagu maxkamadayn karin arrimo la xiriiray xil-gudashadiisii dastuuriga ahayd.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-full\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"526\" height=\"637\" src=\"https:\/\/bilaadtv.net\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/623363752_122267355410131139_8787656769567487851_n.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-1140\" srcset=\"https:\/\/bilaadtv.net\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/623363752_122267355410131139_8787656769567487851_n.jpg 526w, https:\/\/bilaadtv.net\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/623363752_122267355410131139_8787656769567487851_n-248x300.jpg 248w\" sizes=\"auto, (max-width: 526px) 100vw, 526px\" \/><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>W\/Q: Mohamed-karama Ahmed Hassan, Arday ka barta kuliyadda Sharciga (Qaanuunka)&nbsp; Jaamacadda Islaamiga ee Yugandha ( Islamic University In Uganda &#8211; IUIU) ee dalka Yugandha (Uganda). Guddiga Maxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyo Guddiga Dib-u-eegista iyo La-Socodka Hirgelinta Dastuurka, ayaa soojeediyay wax-ka-beddel cusub ee Dastuurka kaasi oo taabanaya cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Kumeelgaarka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1140,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[39,27,40],"tags":[],"class_list":["post-1139","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-articles","category-news","category-region"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1139","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1139"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1139\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1169,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1139\/revisions\/1169"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1140"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1139"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1139"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/bilaadtv.net\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1139"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}